Kenya iyo Maraykanka oo ka wada hadlaya ganacsiga
- 09/07/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa billaabay wada-hadallo ku saabsan heshiis ganacsi.
Wasiiradda ganacsiga ee dalka Betty Maina ayaa sheegtay inay aad muhiim u tahay in la gaaro heshiis laba geesood oo dhanka maalgashiga ah.
Kenya ayaa ku dadaalaysa inay sii xoojiso waxyaabaha ay u dhoofiso dibadda sida caleenta shaaha .
Safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa dhankiisa sheegay in heshiis ganacsi oo la wada gaaro ay dani ugu jirto dhaqaalaha labada dhinac.
Subscribe
0 Comments