Kenya oo kusii dhowaanaysa inay Soomaaliya kala heshiiso ganacsiga Qaadka

Xildhibaano ka soo jeeda gobolka Meru ayaa go’aansaday in dowladda Kenya la siiyo waqti dheeri ah si ay u xalliso caqabadaha ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Hoggaamiyaashu waxay sheegeen inay Kenya ay ku sii dhawaaneyso heshiis ay Soomaaliya kala gaarayso arrimaha la xiriira xanibaada saaran ganacsiga Qaadka

Tani waxay imaaneysaa iyadoo baaqyada mudaaharaadka balaaran ee looga soo horjeedo dowladda kenya ay sii kordheen kadib markii la joojiyey ganacsigii Miirooga ee Soomaaliya lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Ganacsato fara badan, beeraley iyo hogaamiyaasha laga soo doortay gobolka Meru, kuwaas oo qorsheynayay mudaharaadyo lagu qasbayo dowlada inay xalliso ismari waaga ganacsiga ee kala dhexeeya Soomaaliya waxay sheegeen inay markale kulmi doonaan Jimcaha si ay u jaangooyaan wadada loo marayo.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.