Kenya oo markale ka codsatay Maxkamada ICJ in dib loo dhigo dacwada Badda ee Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa markale ka codsatay Maxkamadda caalamiga ah ICJ in dib loo dhigo dacwada Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya.

Sida lagu daabacay wargeyska Nation dowlada Kenya ayaa markii 4aad codsigan dalbatay iyadoo isbedel lagu sameeyay hoggaanka maxkamada ICJ.

Dhegeysiga Maxkamadda ICJ ee kiiska labada dal ayaa loo ballansanyahay 15ka Bisha March 2021 ayaa dowlada Kenya waxa ay dooneysaa inay wadahadal lagu xaliyo khilaafkan badda ee kala dhexeeya dowlada Soomaaliya.

Madaxweynihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf oo Soomaali ahaa ayaa lagu beddelay Haweeney Mareykan ah haseyeshee C/Qawi Axmed Yuusuf waxaa uu wali ka tirsanyahay 9ka Garsoore ee Maxkamadda.

Hase yeeshee xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u xumaaday iyadoo dowlada Soomaaliya ay ku eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.