Kenya oo Ruushka la kaashanaysa daawada COVID 19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay dowladda Ruushka la sameyn doonto iskaashi ku aaddan sidii daawo loogu heli lahaa cudurka COVID19.

Tani ayaa timid kaddib markii madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin uu sheegay inay soo saareen tallaalkii ugu horreeyay ee ka dhan ah coronavirus.

Qorshaha dowladda Kenya waxaa warbaahinta u sheegtay xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi .

Waxay sheegtay in iyadoo loo marayo wasaaradda arrimaha dibadda ay guda galayaan geedisocodka arrinkan ku aaddan.

Waxay ku nuuxnuuxsatay in loo baahan yahay in sare loo qaado tallaabooyinka looga badbaadayo cudurka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.