Kenyaanka oo u codeyn doono in maamulka Nairobi la hoos geynaya dowladda dhexe

Shacabka ayaa fursad u heli doono in maamulka caasimadda dalka ee Nairobi si buuxda loogu wareejinaya dowladda dhexe iyo in kale.

Tani waxay qayb ka tahay dadaallada dib u habeyn loogu sameynaya maareeynta adeegyada ugu muhiimsan ee loo fidiyo dadweynaha ku nool magaala madaxda wadanka.

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay qodobbada ku xusan isbeddellada lagu sameeyay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.

Guddigan ayaa la soo dhisay kaddib kulan iyo heshiis taariikhi ahaa oo 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Wamalwa ayaa xusay in mustaqbalka maamulka NMS ee la wareegay afar ka mid ah shaqooyinkii dowladda ismaamulka Nairobi la go’aamin doono marka shacabka ay ka ra’yi dhiibanayaan arrimaha BBI.

Waxaa uu hadalkan ka sheegay kulan wacyigelin ah oo ku saabsan arrimaha sharciga kaasoo uu soo qaban qaabiyay ururka qareenada dalka ee LSK.

Shaqooyinka maamulka NMS lagu wareejiyay waxaa ka mid ah caafimaadka , qorsheynta , gaadiidka iyo howlaha guud.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.