Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku wada yeeshay aalada fogaan arraga

Madaxda golaha wadatashiga qaran ayaa kulan ku yeeshay aalada fogaan arraga Zoomka, waxaana kulanka shir guddoominaayay Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kulankan madaxda ku wada yeesheen qadka Internetka ayaa waxa ay kaga wadahadleen dardar gelinta arrimaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed iyada oo la tixraacayo jadwalkii doorashooyinka ee lasoo saaray.

Waxaa qeyb ka ahaa kulanka madaxda wadatashiga qaran guddoomiyaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Fedaraal kaasoo warbixin kasiiyay madaxda halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka.

Wararka laga helayo kulankan Xalay golaha wadatashiga qaran ku dhexmaray fogaan arraga Zoom-ka ayaa sheegaya in golaha la sheegay iney ku balameen iney isugu yimaadaan kulan fool ka fool ah walow aanan warbaahinta lala wadaagin waqtiga loo balamay kulankaasi iyo meesha uu ka dhacayo.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay wada yeeshaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Raysal wasaare Rooble tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.