Madaxweynaha dalka oo booqasho ku tagi doona dalka France

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta ayaa la filaya inuu berri safar ku tago wadanka France si uu ula kulmo madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron.

Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa France u tagaya si uu halkaas ugu soo saxiixo balaayiin lacago oo deyn ah oo dhan 180 bilyan oo shilin.

Lacagahani ayaa ah mashruuc lagu dhisi doono waddooyiin isku xiri doona Rironi-Nakuru ila iyo Mau kuwaas oo dhiirirkoodu yahay 190-km.

Hoggaamiyaha dalka ayaa safarka uu ku tagayo wadanka France noqonaya safarkiisii ugu horaysay oo uu dalka uga baxo tan iyo markii uu dalka la xaqiijiyay kiiski ugu horeeyay ee cudurka Coronavirus.

Bishii Maarso ayay ahayd markii madaxweynaha Faransiiska Mr Macron uu dalka booqasho ugu yimid.

Wargeyska The Nation ayaa qoray in Mr Kenyaatta uu dhigiisa France kula kulmi doona qasriga weyn ee Élysée ee magaalada Paris.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.