Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay taliyaha militariga Maraykanka ee Afrika

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa kulan la yeeshay madaxa taliska ciidamada Maraykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ee AFRICOM, Generaal Stephen Townsend

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka ee State House, labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda iskaashiga dhanka gaashaan dhigga ee ka dhexeya Kenya iyo Maraykanka.

Shirka dhex maray Mr. Kenyatta iyo Townsend ayaa imaanaya toddobaadyo ka hor inta uunan Maraykanku ciidamadiisa kala bixin Soomaaliya kaddib amarkii Donald Trump.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Kenya Generaal Robert Kibochi iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi Kyle McCarter.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.