Madaxweynaha dalka oo wasiirka difaaca u xushay xoghayaha dalladda barwaaqa- sooranka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wasiirrada wasaaradda gaashaan dhigga ee Kenya Ambasadoor Monica Juma u soo xushay inay noqoto xoghayaha guud ee toddobaad ee ururka wadamada barwaaqa-soorkanka ee loo yaqaano Commonwealth.

Mr. Kenyatta ayaa wasiiradda ku ammaanay inay tahay haweeney waayo aragnimo u leh istaraatiijiyadda dhanka hoggaanka, maamulka , matalaadda iyo aqoonta dowladeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Monica Juma ay tahay dibloomaasiyad sida habboon uga soo baxday dhammaan waajibaadkii horay loogu igmaday.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.