Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland.

Kulankan oo ahaa mid bogaadin iyo dhiirigalin ah ayaa waxa uu Jubbaland, madaxwaynaha Jubbaland kula dardaarmay guddiga in ay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Xubnihii ka socday Guddiga doorashada Jubbaland ayaa kulankana ka sheegay inay u qaban doonaan doorashad si xor iyo xalaal ah iyagoo ka codsaday maamulka inuu la shaqeeyo guddiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey si uu u dardargeliyo qabashada doorashada.

Bishan dhamaadkeeda ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo qaar kamid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya doorashada Senatarada Aqalka Sare.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.