Madaxweynaha oo loogu baaqay inuu tixgeliyo soo jeedin uga timid senatarka Murang’a

Isbeheysiga siyaasadeed ee dhawaan soo ifbaxay ee UDA ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inay arrin wanaagsan tahay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu tixgeliyo soo jeedin uga timid senatarka ismaamulka Murang’a Mr. Irungu Kang’ata.

Tani ayaa timid ka dib markii senatarka uu hoggaamiyaha dalka u sheegay in laga doonayo inuu qaado tallaabo taageero buuxda oo la xiriirta qorshaha BBI looga raadsanaya shacabka ku nool ismaamullada bartamaha wadanka.

Isbeheysiga UDA ayaa hoosta ka xarriiqay in warqadda Kang’ata ay caddeyn u tahay in BBI aan lagu guulaysan doonin.

Waxaa uu intaasi ku daray in senatarka uu soo bandhigay rabitaanka qaar ka mid ah shacabka sidaas awgeedna ay habboontahay in Mr. Kenyatta uu tixgeliyo.

Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu ku howlan yahay xaqiijinta 4.4 milyan oo ah saxiixyo laga soo uruuriyay shacabka taageersan qorshaha la doonayo in bisha lixaad ee sanadkan la qabto afti wax looga beddelaya qaar ka mid ah qodobada dastuurka wadanka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.