Madaxweyne ku xigeenka dalka oo soo jeediyay in la sameeyo waax qaabilsan arrimaha qurba joogta

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku talinaya in la sameeyo waax gaar ah oo ka shaqeysa danaha Kenyaanka qurba joogta ah.

Ruto ayaa sheegay in muwaadiniinta dalka u dhashay ee ku nool wadamada kale ee caalamka ay kaalin weyn ka qaataan horumarka wadanka.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa xilli uu maalmo ka hor ka qayb galay shir qaabka fogaal aragga ah sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu billaabay qorsho cad oo qurba joogta looga qayb gelinaya arrimaha dalka.

Tani ayaa timid ka dib markii Kenyaanka ku sugan dibadda ay dalbadeen in ay talo ku lahadaan go’aan qaadashada la xiriirta arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulsho ee wadanka.

Waxay si gaar ah u codsadeen in loo fududeeyo qaadashada baasaboorka sidoo kalena la ilaaliyo maalgashigooda.

Macluumaad laga soo xigtay bangiga dhexe ee dalka ee CBK ayaa muujinaya in sanad kasta qurba joogta Kenyaanka ah ay eheladooda u soo diraan 330 bilyan oo shilin.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.