Madaxweyne Trump iyo musharax Joe Biden oo dooddii ugu danbeysay yeeshay

Madaxweyne Donald Trump iyo Ninka la filayo in ay 3- bisha November ku tartamaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa yeeshay dooddoodii ugu danbeysay.

Labada mas’uul ayaa aad uga dooday mowduucyo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca coronavirus.

Waxaa uu madaxweyne Trump ku adkeystay in maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan.

Laakin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka. Isaga oo yiri “Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka,”

Guud ahaan marka la eego doorashada madaxweynaha dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 12 cisho oo kaliya, waana doorasho marka la eego siweyn isha loogu wadahayo.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.