Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay deegaan ka tirsan gobolka Gedo

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan oo qasaare nafeed dhaliyay uu ka dhacay deegaanka Bohol Garas oo ka tirsan Doolow.

Iskahorimaadkan ayaa waxa uu u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed waxaana la xaqiijiyay in shan ruux ay ku geeriyoodeen halka toban kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.