Masar oo bangi ka furanaysa wadamada Soomaaliya,Jabuuti iyo Kenya

Guddoomiyaha Bangiga Masar, Akef El-Maqrabi ayaa khudbad ka jeediyay shir ka dhacay dalka Masar waxa uu ku sheegay inay qorsheynayaan inay xarumo ka fartaan wadamada Soomaaliya,Kenya iyo Jabuuti.

El-Maqrabi ayaa warkan ka sheegay ‘Madasha Koowaad ee Shirka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Afrika ee IPAs ee shalay lagu qabtay magaalada loo dalxiis-tago ee Sharma-Sheekh ee dalka Masar.

IPAs Africa Forum 1 ayaa ka bilaabmay magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar iyadoo hal ku dhig looga dhigey “Kobaca Isdhexgalka.” Madashan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah waxayna dhacdaa 11-ka ilaa iyo 14-ka Juun oo ay ka qaybgalaan wasiirro iyo guddoomiyeyaasha hay’adaha dhiirrigeliya maalgashiga ee 34 dal oo Afrikaan ah.

Bangiga Masar waxa uu haatan ka howlgalaa dalka Ivory Coast waxaana la aasaasay sanadkii 1920-kii.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.