Maxaad ka taqaan madaxda Afrika ee wiilashooda u diyaarinaya inay ka dhaxlaan xilka Madaxweyne?

Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso ayaa wiilkiisa Denis-Christel u magacaabay inuu noqdo gole wasiiro – tallaabadaas oo soo nooleysay hadal heyntii warbaahinta ee ahayd inuu talada dalka uu ku ka dhaxlo wiilkiisa.

Hase yeeshe, haddii Denis-Christel uu aakhirka uu gashado kabaha aabihiis, tani waxay xaqiijin doontaa la jaanqaadida Congo-Brazzaville oo leh qaab ku sii kordhaya bartamaha Afrika.

Dalka deriska la ah ee Gabon waxaa madaxweyne ka ah Ali Bongo Ondimba waxaa dhalay Cumar Bongo, oo xukumayey sanadihii 1967 ilaa 2009, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Joseph Kabila uu xukumayey 17 sano ka dib markii uu bedeley aabihiis la diley Laurent-Désiré oo madax ka noqdey dalka 2001.

Madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang – oo xukunka hayey tan iyo markii uu bedelay Francisco Francisco Macías Nguema, oo ah madaxweynihii ugu horeeyey ee wadanka, kadib 1979 – wuxuu durba u magacaabey wiilkiisa, Teodoro Nguema Obiang Mangue, madaxweyne ku xigeen, booska ugu sareeya si uu ula wareego. .

Ka dib markii uu madaxweynaha Chad Idriss Déby uu u dhintay bishii hore – sida la sheegay dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ay la galeen fallaagada – wiilkiisa Mahamat, oo ah afar xiddigle ciidan ah, ayaa si dhakhso leh ugu soo baxay hoggaanka golaha millatariga ee ku meel gaarka ah.

Welina waxaa jira xitaa guux ku saabsan dhaxalka madaxtinimada dalka Cameroon, halkaas oo laga cabsi qabo in Madaxweyne Paul Biya oo 88 jir ah uu u diyaarinayo inuu dhaxlo wiilkiisa Franck Biya.

Sidoo kale, Uganda waxaa lagu arkayaa baraha bulshada warar muujinaya in Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha dalka Yoweri Museveni, inuu yahay musharax xisbiga talada haya doorashada soo socota ee 2026.

Jeneral Muhoozi Kainerugaba ayaa ka qalin jabiyay Akadeemiyada Milatariga ee Boqortooyada Ingiriiska Sandhurst sanadkii 2000.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.