Maxkamadda oo agaasimaha dambi baarista ku xukuntay 4 bilood oo xabsi ah

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xukuntay in agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr.George Kinoti la xiro muddo afar bilood ah .

Tani ayaa timid ka dib markii Kinoti lagu helay dembi ah inuu dafiray amar maxkamadeed.

Waxaa go’aanka maanta ku dhawaaqay garsoore Anthony Murima oo abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hilary Mutyambai ka dalbaday inuu xaqiijiyo in agaasimaha dambi baarista la qabto oo uu dhameysto xukunka la dul dhigay.

Amarka uunan u hoggaansamin Kinoti ayaa ahaa inuu soo wareejiyo hub la sheegay in sanadkii 2017-kii laga qaaday ganacsade Jimmy Wanjigi xilli ciidamadu ay howlgal ka sameyeen hooygiisa ku yaalla deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.

Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxa waaxda dambi baarista laga doonayo inuu toddobo cisho gudahood isugu dhiibo maamulka xabsiga wayn ee Kamiti haddii kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Mr. Nuurdiin Xaaji lagu amraya inuu u jaro waaran lagu soo xirayo oo uu dhaqangelinaya taliyaha guud ee booliska Kenya.

Go’aanka maxkamadda waxaa ku cad in haddii sidan aynan dhicin, amarka uu shaqeynayo oo Mr. Kinoti la qaban karo xita marka uu xafiiska baneeyo.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay Mr. Kinoti u qabatay 30 cisho oo uu hubka ugu wareejinayo ganacsadaha sidii lagu amray sanadkii 2019-kii.

Bishii lixaad ee sanadkaasi ayay ahayd markii garsoore Chacha Mwita uu go’aamiyay in dowladdu ay ku dhaqaaqday tallaabo aan habboneyn oo ay Wanjigi kala wareegtay hub u sharciyeysan.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.