Maxkamadda oo laashay dacwad laga gudbiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda qaabilsan arrimaha musuqmaasuqa ayaa meesha ka saartay dacwad uu Dennis Itumbi ka gudbiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i

Kiiskan ayaa la xiriiray tallaabadii lagu iibiyay dhul ku yaalla deegaanka Ruaraka ee Nairobi taasoo uu muran ka dhashay.

Itumbi ayaa ku dooday in go’aankii dhulkaas lagu iibiyay uu dowladda kaga lumay dhaqaale gaaraya 1.5 bilyan oo shilin.

Waxaa uu intaa ku daray in hay’adaha dambi baarista ee dalka ay ka gaabiyeen inay wasiirka dacwad ku soo oogaan maadaama uu xil sare ka haya dowladda.

Wasiirka ayaa horay isaga fogeeyay eedeyn arrinkan ku saabsan oo loo soo jeediyay.

Garsoore Douglas Ogoti ayaa sheegay in Itumbi uunan maxkamadda u caddeyn sida uu ku helay macluumaad rasmi ah oo uu cuskaday.

Xaakinka ayaa hoosta ka xarriiqay in marka dokumeentiyo iyo macluumaad loo adeegsanaya kiis ku saabsan fal dambiyeed ay khasab tahay in la xaqiijiyo sidoo kalena la faahfaahiyo qaabka uu qofka isticmaalaya ku helay xogtaas.

Waxaa uu garsooraha hoosta ka xarriiqay in shakhsiga dacwadda gudbiyay Dennis Itumbi laga doonayay inuu si sharci ah u codsado dokumeentiyadan.

Dennis Itumbi ayaa dhankiisa tilmaamay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
1 Comment
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments
sci
Admin
sci(@sci)
28/11/2020 12:35 AM

hhji8hkhkl

1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.