Maxkamadda oo sharci darro ku tilmaantay karantiilka khasabka ah

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay inaysan sharci ahayn tallaabada ay dowladda si khasab ah ugu karantiishay qaar ka mid ah shacabka oo looga shakiyay caabuqa corona.

Waxaa go’aankan soo saaray garsoore James Makau oo xusay in tani ay liddi ku tahay qeybta 27-aad ee sharciga caafimaadka dadweynaha.

Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii Okiya Omtatah oo u ololeeya xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada uu maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah amarrada la xiriira cudurka COVID-19.

Omtata ayaa maxkamadda u sheegay in wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu soo saaray ilaa saddex wargelin oo lagu tallaaba qaaday iyadoo aan laga qayb gelin shacabka sidoo kalena uunan baarlamaanka ansaxin.

Sidoo kale waxaa uu doonayay in maxkamadda ay dowladda ku amarto inay cid kasta oo karantiil gashay lacagna laga qaaday, loo celiyo dhaqaalihii qofkaas ka baxay.

Hasa ahaate maxkamadda ayaan codsigan aqbalin waxayna u cuskatay inaan la caddeyn.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.