Maxkamadda:Shaqaalaha tijaabada ku jiro lama eryi karo iyagoo aan loo faahfaahin

Guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo ka howlgalo maxkamadda shaqaalaha iyo shaqaaleysiinta ee dalka ayaa amar cusub soo saaray.

Waxay meesha ka saareen xeer ahaa in shirkadaha loo shaqeeyo ay shaqada ka eryi karaan howlwadeenada tijaabada maraya iyadoo aan loo faahfaahin sababta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in taasi aynan sax ahayn oo qofka shaqada lagu tijaabanaya ay khasab tahay inuu ogaado sababta fursadii la siiyay loo soo afjaray.

Garsoorayaasha go’aankan ku dhawaaqay ayaa kala ah Monica Mbary, Joram Abuodha iyo Linnet Ndolo.

Waxay sheegeen in qaybta koowaad ee farqada 42 ee xeerarka shaqaaleysiinta oo la soo saaray sanadkii 2007-dii aynan waafaqsanayn dastuurka dalka sidaas awgeedna dib u eegis lagu sameeyay.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.