Mid ka mid ah baabuurta gurmadka degdegga oo xalay lagu weeraray ismaamulka Mandera

Waxaa uu xalay weerar ka dhacay inta u dhaxayso magaalada Ceelwaaq Iyo kutulow gaar ahaan deegaanka dhabasiti halkaas oo lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah baabuurta gurmadka degdegga.

Gaariga ayaa siday hooyo xaamila ah oo foolanaysay loona waday isbitaalka ceelwaaq si ay ugu umusho.

Sidoo kale waxaa baabuurka saarnaa hooyada foolanaysay eheladeeda sida odaygeeda, hooyadeed iyo ayaydeed.

Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux oo ahaa ninka haweeneydaasi ay wada noolayeen halka saddexda qof ee kale ay dhaawacmeen iyadoo baabuurkiina la la gubay.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.