Mike Pompeo: “Dalalka Yurub waxay la safteen Aayatullaah Khamenei”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dalalka Yurub “in ay la safteen ayatollah” ka dib markii ay sheegeen in uusan Mareykanka dib ugu soo rogi Karin cunaqabateyn dalkaasi Iran.

Dalalka britain, Fransiiska iyo Jarmalka ayaa waxay sheegeen in Mareykanka uusan xaq sharci u lahayn “in uu dib ugu soo rogo” cunaqabateyn sababtoo ah waxaa uu Mareykanak ka baxay heshiiskii Niyukleerka Iraan ee la saxiixay 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay bilaawday geedi socod muran dhaliyay oo ku saabsan in golaha ammaanka ee Qaramada Midobey ay dib u soo celiyaan cunaqabateyntii saarnayd Iran.

Cunaqabateyntan ayaa la qaaday 2015 ka dib markii la gaara heshiiskii Niyukleerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo dalalka reer galbeedka.

“Ma jiro dal aan Mareykanka ahayn oo ku dhiiraday in uu soo gudbiyo qaraar, taa badalkeeda waxay doorbideen inay la saftaan ayatollah,” waxaa sidaasi sheegay Mr Pompeo.

Mr Pompeoayaa si rasmi ah u gudbiyay cabasho isaga oo ku eedeeyay Iiraan in aysan heshiiska u hogaansamin.

Wadamada kale ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay haystaan 30 maalmood gudahood in ay ku ansixiyaan qaraar si looga hortago in cunaqabateynta dib loogu so rogo Iiran.

Balse Mareykanka oo xubin joogta ka ah golaha ammaanka ayaa isticmaali kara codka diidmada qayaxan ee Veto loo yaqaanno.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mr Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka ay sameyn donaan wax walba si loo dhaqangaliyo cunaqabateyno ka dhan aha Iiraan.

Tallaabada maamulka madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa toddobaad uun ka dib markii golaha ammaanka ay diideen in la kordhiyo waqtiga cunaqabateynta hubka ee Iraan oo imika ku eg bisha October.

Mr Pompeo ayaa sheegay “in khalad wayn ay noqon doonto ” haddii aan la kordhin waqtiga cunaqabateynta hubka Iiraan.

Waxaa uu intaa ku daray in Mareykanka aysan ogolaan doonin in Iiraan ay hub culus soo iibsato sida Taangiyada.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.