Mudavadi oo doonaya in la magacaabo guddi kale oo ka shaqeynaya arrimaha BBI
- 28/10/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta u soo jeediyay inuu soo magacaabo guddi isku dubaridaya aragtida kala duwan ee laga dhiibanaya warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Mr. Mudavadi ayaa xusay inay aad muhiim u tahay in dareenka shacabka iyo mas’uuliyiinta lagu kordhiyo warbixintii la shaaciyay maalinkii Isniinta.
Madaxa ANC ayaa hoosta ka xarriiqay inaysan adkeyn in la magacaabo guddi xaqiijinaya in dhammaan afkaarta Kenyaanka ee soo baxay kaddib markii warbixinta la soo saaray la tixgeliyo.
Shakhsiyaadka sheegay inay jiraan qodobbo dib u eegis u baahan waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Subscribe
0 Comments