Munaasabad duco qaran ah oo lagu qabanaya baarlamaanka

Waxaa xarunta golaha qaran ee xeer dejinta ka socoto munaasabad wadanka loogu duceynaya oo ah midii 18-aad.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto, madaxa cadaaladda Martha Koome , guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka, dhigiisa baarlamaanka Justin Muturi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galaya .

Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19 sida gacmo dhaqashada iyo kala fogaanta ay hoos u dhigeen cuduradii kale ee ka dhalan jiray nadaafad darrada.

Waxay xustay in dowladda dhexe ay muujisay dadaal dheeraad ah oo ay kula tacaalayso cudurka.

Sidoo kale Dr. Mwangangi ayaa sheegtay in baarlamaanka , aqalka sare iyo barasaabyada ismaamullada ay dowladda dhexe garab buuxa ku siiyeen la dagaalanka caabuqa.

Waxay intaasi ku dartay in howlaha ganacsiga hadda inta badan lagu fuliyo qaab online ah maadaama la xaddiday isku socodka.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ahna senatarka ismaamulka galbeedka Pokot Samuel Poghisio ayaa xusay in cudurka COVID19 uu saameeyay howlaha senate-ka maadaama qaar ka mid ah senatarrada uu xanuunka haleelay.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.