NCIC oo soo saartay qorshaha ka hor tagga rabshadaha

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa soo bandhigay qorsho ku aaddan in laga hor tago rabshadaha siyaasadeed si doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay si nabad ah ugu dhacdo.

Barnaamijkan ayaa la dhaqangelinayaa iyadoo la kaashanaya shakhsiyaadka iyo ururrada ka shaqeeya arrimaha nabadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr .Fred Matiang’I ayaa qorshahan ku daahfuray dugsiga dowladda ee KSG ee Nairobi.

Waxaa uu bulshooyinka kala duwan ee waddanka ku nool ugu baaqay inay si dacaad ah isugu kalsoonaadaan ka hor codeynta guud.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aanka la xiriira cidda wadanka hoggaamin doonto ay qaadanayaan Kenyaanka oo dhan sidaas awgeed aan loo baahneyn in tan la isku mucaarado.

Matiang’i ayaa xusay in dowladda ay ku dadaalayso sugidda amniga wuxuuna dhanka kale shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan hadallada iyo falalka wax u dhimi karo xasiloonida dalka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.