Qaar ka mid ah xarumaha Alshabaab gobolka Sh/dhexe oo la gubay

Ciidamada xoogga dalka oo howlgalo ka wada deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa gubay xarumo ay ku lahaayeen deegaanadaas sida uu sheegay afhayenka ciidamada xoogga dalka.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan, islamarkaasna Al-shabaab halkaasi ku gaar siiyeen khasaaro.

“Waxay ciidamadu gubeen saldhigyadii iyo xarumihii Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanada laga saaray sida deegaanka War Ciise.”ayuu yiri afhayeenka ciidamada.

Howlgalka ay ciidamada Xoogga dalka ka wadaan gobolka Sh/dhexe oo uu hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage ayay kula wareegeen deegaano dhinaca Bari ka xiga degmada Jowhar sida War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.