Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma oo soo wajahday walwal ah in qasab looga saaro xeryaha qaxootiga

Argagax, naxdin, diidmo dadnimo – kuwani waa qaar ka mid ah ereyada ay adeegsadeen dadka deggan labada xero-qoxooti ee ugu waaweyn Kenya si ay u sharxaan cabsida iyo niyad-jabka ay ka qabaan wararka sheegaya in dowladda ay isku dayeyso in Xeryahaas si deg deg ah loo xiro.

24-kii Maarso, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Fred Matiang’i wuxuu caddeeyay in hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ay heysato laba toddobaad inay la timaado qorshe lagu xirayo xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 410,000 qof oo ka soo kala qaxay dalal ay ka mid yihiin Soomaali, Suudaan Koofureed, Itoobiyaan, Tansaaniya, Ugaandhiyaan iyo Burundi.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ka digay, inay ku qasbi doonaan qaxootiga inay u safraan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya. Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya waxa ay ugu yeertay “aakhirkii” waxayna sheegtay in aysan jirin meel lagu sii wada xaajood

Iyada oo ka jawaabeysa ku dhawaaqista Kenya, UNHCR waxay sheegtay in ay ku mahadsan tahay deeqsinimada dowladda Kenya ee martigalisay qaxooti aad u fara badan mudada dheer (Dhadhaab waxaa la aasaasay 30 sano ka hor), laakiin “waxay ka walaacsan tahay saameynta go’aanka uu ku yeelan doono ilaalinta Qaxootiga ku sugan Kenya, iyadoo xilligan lagu jiro waqti uu saameyn ku leeyahay caalmka cudurka faafa ee COVID-19 ”.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay inay sii wadayso wadahadalka ay la leedahay mas’uuliyiinta Kenya ka hor inta aan la gaarin 6-da bisha Abriil waxayna ku boorisay dowladda inay “hubiso in go’aan walba uu ogolaanayo in la helo xalal ku habboon oo waara oo la helo iyo in kuwa sii wadaya u baahan badbaadin ay awoodaan inay helaan” .

Dowladda Kenya ayaa horay isku dayday inay xirto Dhadhaab sanadkii 2016, kadib markii warbixinno sirdoon ay u muuqdeen inay muujinayaan in weeraradii 2013 iyo 2015 ee bartilmaameedyada Kenya ay xiriir la leeyihiin xeryaha. Xiritaanka waxaa xayiray maxkamadda sare ee Kenya.

“Waxaan dareemay jahwareer markii aan maqlay in dowladda Kenya ay ku hanjabeyso inay xiri doonto labada xero, ayay tiri Hibo Maxamed, oo ah 24-jir ka timid Soomaaliya oo ku nool Kakuma 10 sano.

Waxay sheegtay inay u aragto Soomaaliya inay tahay “dal aan xasilloonayn oo ay weli ka dhacayaan weerarro argaggixiso oo soo noqnoqda”, iyadoo raacisay “Kakuma waxay ii noqotay guri aan ku noolaado, halkaas oo aan nabad ku helay”

Kakuma, oo hoy u ah in ka badan 190,000 oo qaxooti ah, waxay ku taal waqooyi-galbeed Kenya. Dhadhaab waxay ku taal bariga Kenya, una dhow xadka Soomaaliya, laakiin Soomaali badan ayaa ka kala guuray labada xero. Nolosha labada degsiina way adkaan kartaa. Xerooyinku waa fog yihiin, qaxootiguna waxay inta badan ka cawdaan in lagu xayiro halkaas iyada oo aan la helin xorriyad dhaqdhaqaaq, oo ay weheliso musuqmaasuq aad u sarreeya iyo adeegyo liita, laakiin ugu yaraan, waxay yiraahdeen, waa ammaan oo qaar badan ayaa heli kara fursado waxbarasho ama ganacsi.

C / raxmaan Axmed, waa 24-jir Soomaali ah oo ku noolaa Kakuma muddo ku dhow 10 sano, wuxuu sheegay inuu la yaabay amarka oo uu ka walwalsan yahay inay tahay diidmo “dadnimo” “Xulku ma ahan inaad qaxooti noqoto, qofna ma doorto inuu qaxooti noqdo,” ayuu yiri

Qaar ka mid ah dadka ka faalooda arrimaha Kenya ayaa ku eedeeyay saraakiisha inay ku dhawaaqeen arintan sababo dhaqaale. “Dowladda Kenya waxay u aragtaa Dhadhaab Bangi ay sida joogtada ah uga sameyso lacagaha lagala baxo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaadda ah inay xireyso si ay lacago uga hesho beesha caalamka,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray falanqeeye caan ah oo falanqeeya arrimaha siyaasadda Kenya ahna sawirqaade sawir gacmeed Patrick Gathara.

C/laahi Maxamed Cali, Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in kastoo ay jiri karaan walaac amni oo la xiriira xeryaha, hadana inta badan dowladda Kenya waxay umuuqatay mid buun buuninaysa. In kasta oo uu intaas ku daray in kooxda hubaysan ee Soomaaliya ee al-Shabab ay suuragal tahay inay ku soo dhex dhuuntaan xeryaha oo ay qortaan dagaalyahanno, “guud ahaan uma malaynayo inay qaxootigu [khatar] amni [baaxad leh] ka weyn yihiin”.

Cali wuxuu kaloo sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay rumeysan yihiin in dowladda ay u isticmaaleyso xirnaanshaha labada xero arrimo siyaasadeed oo ku saabsan khilaafaadka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, isla markaana aysan u sahlaneyn iyaga inay si dhaqso ah ku xirtaan xeryaha maadaama ay la kulmi doonaan caalamka Cadaadis badan.

Dowladda Kenya ayaa beenisay in tallaabada ay ku xireyso xeryaha ay la xiriirto arrimo diblumaasiyadeed oo Soomaaliya kala dhexeeya.

Tiro badan oo ka mid ah dadka Dabaab iyo Kakuma ayaa rajeynaya in dib u dejin loogu sameeyo dal reer Galbeed ah. Saxafiyiinta qaxootiga ee Kakuma ayaa sheegaya in tirada dadka is-dila ay sare u kacday kadib markii Donald Trump uu noqday madaxweynaha Mareykanka, markii kumanaan qaxooti ah oo filayay in ay u safraan wadanka dib loo dhigay kiisaskooda

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.