Qoor-qoor oo u sameeyey casho sharaf Madaxda Madasha Qaran iyo qaar kamid ah Musharaxiin

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xalay casho sharaf ah u sameeyay madaxdii kala qeyb gashay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho.

Masuuliyiinta munaasabadan cashada ah ka qeyb galay waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay casho sharaftan xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo qaar kale.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii la soo gebogabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo shalay laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.