Raila Odinga:Xilliga ku habboon ayaan shaacinaya in aan musharrax ahay

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in xilliga ku habboon uu shaaca ka qaadi doono in sanadka 2022-ka uu u tartami doono hoggaanka wadanka.

Waxaa uu dhanka kale dhallinyarada ku boorriyay inay is wayn ugu soo baxaan oo ay ka faa’iidaystaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ka hor doorashada guud ee sanadka soo socdo.

Mr. Odinga waxaa uu xusay in Kenya ay weli haysato fursad lagu haleeli karo hiigsiga horumarineed ee 2030-ka hasa ahaate taasi ay ku xiran tahay kaalinta ay da’yarta ka qaataan geeddisocodka doorasho .

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la doorto madax aragti fog leh oo aan adeegsan keliya hal-ku dhigyo aan caddeyn.

Mr. Odinga ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ismaamullada Homa Bay iyo Siaya kaga qayb galay munaasabado aas ah.

Madaxda wehelinaysay Raila ayaa dhankooda dhaliilay qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka ee ah in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyo khilaafka kala dhexeya madaxweyne Uhuru Kenyatta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.