Raila oo billaabay inuu BBI tageero uga raadiyo bartamaha dalka

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa gobolka bartamaha dalka ka billaabay olole ku aaddan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.

Waxaa uu shacabka ismaamulka Murang’a u sheegay in faa’iidooyin badan laga dhaxli doono dhaqangelinta qodobbada ku xusan warbixinta.

Raila oo ammaanay heshiiskii isaga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta dhex maray sannadkii 2018-kii wuxuuna sheegay inuu dalka xasilooni buuxda u horseeday.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in arrimaha BBI laga faa’iidi doono fursado loo siman yahay.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiskan lagu doonaya in wax looga qabto loolanka siyaasadeed ee mar walba u dhaxeeyo laba qowmiyadood oo kala dego bartamaha iyo gobolka Nyanza.

Waxaa uu u sheegay shacabka ismaamulkaasi in warbixinta ay aqbaleen malaayin kenyaan ah.

Raila ayaa xusay in BBI ay soo jeedisay in lacagaha la siiyo ismaamulada dalka la kordhiyo oo laga dhigo boqolkiiba 35% halka ay hadda yihiin boqolkiiba 15.

Wuxuu soo hadal qaaday arrimaha waxbarashada isagoona sheegay in waxbarashada dalka laga dhigi doono mid bilaash ah laga bilaabo fasallada hoose ee loo yaqaano nursery ilaa iyo jaamacadaha.

Raila ayaa sidoo kale xusay inay xaqiijin doonaan in la helo fursado shaqo oo loo siman yahay si kor loogu qaado noolasha kenyaanka.

Ugu dambeyntii Raila Odinga ayaa shacabka ismamulka Murang’a ka codsaday in warbixintan ay taageeraan kana qeyb qataan saxiixyada la uruurinaayo.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in berri la soo gabagabeeyo saxiixyada la uruurinaya ee la xiriira sharci beddelka la doonayo.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.