Raila oo sheegay in aan isbeddel dheeraad ah lagu sameyn doonin warbixinta BBI

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada la xiriirta in isbeddelo dheeraad ah lagu sameeyo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.

Raila ayaa xusay in mar hore la daabacay hindise sharciyeedka ku saabsan sharci beddelka.

Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ayuu Mr. Odinga cadeeyay in cid kasta oo aan ku qanacsaneyn qodobbada ku xusan warbixinta BBI laga doonayo inay sugto fursad kale oo lagu beddelaya dastuurka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in la gabagabeynayo uruurinta saxiixyada Kenyaanka sidaas awgeedna aynan suurtagal ahayn in qodobbada wax laga sii beddelo.

Waxaa uu qorshuhu yahay in deegaanada kala duwan ee dalka laga soo uruuriyo saxiixyada ilaa 4 milyan oo qof oo taageersan geedisocodkan in kastoo dastuurka dalka uu qeexaya in hadii la helo hal milyan oo saxiixyo lagu tallaaba qaadi karo beddelidda sharciga wadanka.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee dalka Joe Mucheru ayaa shacabka ugu baaqay inay taageeraan qorshaha BBI .

Waxaa uu xusay in nidaamkan uu wadanka u horseedi doono xasilooni buuxda.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.