Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Kismaayo

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa shalay gaaray magaalada Kismaayo wafdi hordhac ah oo ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan diyaar garowga soo dhaweynta Raysal wasaaraha.

Qabanqaabada soo dhaweynta Raysal wasaare Rooble ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Kismaayo, waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Kismaayo.

Ujeedka socdaalka Raysal wasaare Rooble ee magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay kulamo uu halkaasi kula qaadanndoono madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madoobe iyo waxgaradka Jubbaland.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.