Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmaya amiirka cusub ee dalka Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Dalka Kuwait.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in rasyal wasaaruhu maanta booqanayo qabriga amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday, kadibna wuxuu la kulmidoonaa amiirka cusub ee Kuwait.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kuwait ku tilmaamtay wadamada aad u qadariya Soomaaliya islamarkaana gacan weyn ka geystay dib u dhiska Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee raysal wasaaruhu dibada uga baxo dalka tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.