Rooble oo ka hadlay sugida Amniga doorashada lagu waddo in ay dalka dhacdo

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in ciidamo dhax dhaxaad ah sugi doonaan amniga doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la yeeshay xubnaha beesha caalamka

Rooble ayaa sheegay in ciidamada sugi doona doorashada noqonayaa kuwo lagu wada kalsoon yahay oo dhaxdhaxaad ah kuna shaqeyn doona mar walba diilinta sharciga.

Mar uus oo hadal qaaday caqabada ilaa iyo hadda hortaaga doorashada ayuu sheegay in ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhabo.

Midowga musharixiinta iyo qeybaha kala ee siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhaweeyay in maamulka iyo amniga doorashada uu mas’uul ka noqdo Ra’iisal Wasaare Rooble.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.