Ruto oo sheegay in heshiiskii Raila iyo Uhuru uu carqaladeeyay fulinta mashaariicda horumarineed
- 18/01/2021
- Posted by: damal
- Category: Waraka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kulankii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu wax u dhimay qorshaha fulinta mashaariicda horumarineed ee xisbiga Jubilee.
Waxaa uu soo jeediyay in la dedejiyo hannaanka sharci beddelka ee BBI si loo sii wado dhaqangelinta mashaariicda dhanka caafimaadka, sare u qaadidda wax soo saarka , la tacaalidda cunno yarida iyo guriyeynta.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan jirin cid si gaar ah wax ugu tilmaami karto oo uu ka dhageysanaya ama intii ay u caga jugleyso saameyn ku yeelanaysa.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo u muuqday in uu farriin dadban u diraya Raila Odinga ayaa xusuusiyay in lagu soo dhaweeyay Jubilee oo laga doonayo inuunan hilmaamin inuu marti yahay.