Saraakiisha caafimaad ee isbitaallada ka bixiya daawooyinka oo digniin shaqo joojin soo saaray

Golaha qaran ee talasiinta ee ururka howlwadeenada caafimaadka ee qaabilsan bixinta daawooyinka KUCO) ayaa soo saaray digniin ah in 14 cisho kaddib ay xubnuhu shaqo joojin billaabayaan.

Waxay cabasho ka muujinayaan inaynan haysan agabka la isaga difaaco cudurka COVID-19 ee loo yaqaano (PPE).

Sidoo kale waxay sheegayaan in dowladda aynan xubnaha ururka KUCO sida habboon ula dhaqmin.

Tani ayaa timid kaddib markii habeenimadii ay Axadda soo galeysay mid ka mid ah dhakhaatiirtan uu u dhintay cudurka COVID-19.

Guddoomiyaha ururka KUCO ,Peterson Wachira ayaa sheegay in dhakhtarka ku geeriyooday ismaamulka Kisii lagu magacaabi jiray David Makori.

Guud ahaan ilaa iyo hadda waxaa uu cudurku galaaftay nolosha 7 dhakhaatiir oo isbitaallo kala duwan u qaabilsanaa bixinta daawooyinka lagula tacaalo xanuunnada.

Xoghayaha guud ee ururka KUCO ,George Kebore ayaa sheegay in howlwadeenada qaybta ka ah barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC) in aan lacago la siin muddo 6 bilood ah sidoo kalena aynan lahayn gunnooyin la xiriira maareynta kiisaska COVID-19 .

Mas’uulkan ayaa sheegay in ismaamulka Vihiga ,567 dhakhaatiir ah aan mushaar la siin 13 bilood.

Dhanka kale waxay 13 cisho ka dhiman tahay muddo 21 maalmood ah oo ay ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU u qabteen dowladda si ay u fuliso tabashooyin ay qabaan hadii kale ay shaqo joojin billaabayaan.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.