Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca iyo saddex shacab ah oo loo xiray afduub

Waxaa gacanta lagu dhigay afar qof oo isugu jiro saddex shacab ah iyo sarkaal ka mid ah ciidamada gaashaan dhigga dalka ee KDF.

Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinayaa afduub xarunta ganacsga ee Kiawara ee ismaamulka Nyeri loogu gaystay ganacsade.

Waaxda dambi baarista dalka ayaa magacsyada tuhmanayaasha ku kala sheegtay Private Kelvin Muturi ,Kelvin Gacheru, Francis Mwangi iyo Peter Mwangi.

Waxay da’doodu u dhexeysaa 26 ilaa 32 sano.

DCI ayaa intaasi ku dartay inay shirqooleen ganacsadaha iyagoo isticmaalaya taleefoonka gacanta ee mid ka mid ah shaqaalihiisa hasa ahaatee saraakiisha ammaanka oo dabagal sameeyay ay soo badbaadiyay ganacsadaha.

Waxay hadda ku jiraan gacanta booliska si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

Sidoo kale baabuurkii ay eedeysanayaasha u adeegsadeen afduubka ganacsadaha oo taargadiisu ay tahay KCE 348J ayaa hadda yaalla xarunta booliska .

Dhanka kale waaxda DCI ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in saraakiisha ammaanka ay xalay dileen 2 qof oo lagu tilmaamay dambiilayaal hubeysnaa.

Waxaa shakhsiyaadkan la toogtay abaare 9:45 habeenimo ee xalay.

Tani ayaa timid kaddib markii la arkay iyagoo shacabka dhac ugu gaysanaya wadada Manyanja ee Nairobi.

DCI ayaa sidoo kale sheegtay in labadan qof ay horay haweeney aan magaceedu la shaacin boorso uga qaateen.

Goobta lagu toogtay ayaa laga soo helay labo bastooladood iyo hub kale.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.