Sheekh Umal oo soo dhaweeyay dib u furka masaajidda

Iyadoo uu qorshuhu yahay in maalinka berri dib loo furo goobaha cibaadada ayaa waxaa arrinkan soo dhaweeyay Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo ka mid ah culimada soomaaliyeed.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in masaajidda horay lagu xiray amar ka soo baxay dowladda si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID19 ayna tahay arrin lagu farxo in dib loo fasaxayo.

Sheekh Umal ayaa sheegay in berri la furayo masaajidka 6-ka ee xaafadda islii iyo masaajiid kale.

Sido kale waxaa uu bulshada ugu baaqay inay taxadaraan oo aynan fududeysan halista cudurka wuxuuna dhanka kale faahfaahiyay siyaabaha ay ugu hoggaansamayaan talooyinka lagu xakameynayo fayraska ee ay wasaaradda caafimaadka soo jeedisay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.