Shirkada diyaaradaha ee Kenya oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay duulimaadyo ka bilaabayso Hargaysa 28 May

Shirkada duulimaadyada Kenya oo ka jawaabaysa wararka sheegaya in ay duulimaadyadeda Hargaysa bilaabayso 28 May, ayaa sheegtay in qorshahaasi wali hakad ku jiro, oo ay dhimanyihiin ogolaasho iyo caddaymo.

Qoraal ay shirkadu soo saartay ayaa lagu yidhi “shirkada diyaaradaha ee Kenya waxay jeceshahay in ay caddayso in qorsheheeda bilaabida duulimaadyada Hargaysa, Somaliland iyo Nayrobi, Kenya uu wali hakad ku jiro oo ay sugayaan ogolaansho”.

“Si ka duwan wararka wareegaya baraha bulshada ma jiraan wax duulimaadyo ah oo hada shaqaynaya”.

Jawaabta shirkada ayaa timid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahinta qaarkeed qortay warar la xidhiidha, in shirkada diyaaradaha ee Kenya ay duulimaad yadeeda Hargaysa bilaabayso dhamaadka bishan May.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.