Socdaal uu William Ruto ku tagi lahaa Murang’a oo dib loo dhigay
- 16/10/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Waxaa dib loo sii dhigay socdaal lagu waday in maanta uu ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ku tago ismaamulka Murang’a.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in Ruto uu lacag uruurin u sameeyo haweenka.
Kulanka ka dhici lahaa garoonka cayaaraha ee Rurii ee deegaanka Mathioya ee dib loo dhigay waxaa warbaahinta u xaqiijisay xildhibaanadda Kandara Alice Wahome.
Mrs. Wahome ayaa sheegtay in taariikh cusub oo ay munaasabaddan dhacaysa dib laga soo sheegi doono
Subscribe
0 Comments