SUPKEM oo ku baaqday in la joojiyo arrimaha BBI

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM ayaa madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu ku dadaalo sidii hakad loo gelin lahaa geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.

Guddoomiyaha SUPKEM Xasan Ole Naado ayaa ka digay in shacabka lagu sii kala qaybin karo arrinkan.

Siyaasiyiinta ayuu dhanka kale ka codsaday inay iska ilaaliyaan falalka iyo hadallada sii kala qaybin karo bulshada.

Mr. Naado ayaa sheegay in madaxweynaha dalka maadaama uu ku guda jiro muddo xileedkiisi labaad laga doonayo inuu xilka wareejiyo iyadoo Kenyaanka ay mideysan yihiin.

Sidoo kale SUPKEM ayaa ku talisay in aan la fududeysan oo la xalliyo tabashooyinka kalkaaliyaasha iyo dhakhaatiirta dalladda KUCO ee weli shaqo joojinta ku guda jiro.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.