TSC oo amartay macalimiinta in dugsida iska xaadiriyaan toddobaadka dambe
- 21/09/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka

Macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka ayaa laga doonaya in ay iskuulada dib ugu labtaan maalinka isniinta ee todobadka dambe ee 28-ka bishaan si aay iskugu diyaariyaan dib u fuurka goobaha waxbarashada.
Madaxa fulinta ee guddiga adeega macalinta Nancy Macharia ayaa sheegtay in macaliminta aay iska xadiriyaan goobahooda waxbarashada.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ayaa sheegay in dugsiyada dalka dib loo furi doona kaliya markii ay saamileyda taclinta isku af gaartan tariikhta dib loogu laabanaya
Wuxuuna sido kale sheegay in 15-kii iskuul ee ku yaala deeganada hoos taga ismamulada dalka ay ka faa’iideysan doonaan mashruuc aay ku baxeysa lacag dhan 1.19 bilyan oo shili oo loogu diyargarowaya sidii dib loogu furi laha goobaha waxbarashada.
Prof. Magoha ayaa sheegay in ardayda barata taclinta farsamada ee jamacadaha kuwaas oo ku jira sannad dugsiyodkoodi ugu dambeeyay loo ogolaan doona in aay dib ugu noqdan jamacadaha wuxuuna ugu baaqay in uu hooggasamaan amarada looga hortagaya cudurka Covid-19.