TSC oo ballanqaaday inay u hoggaansamayso amarrada dhanka waxbarashada
- 08/07/2020
- Posted by: damal
- Category: Waraka
No Comments

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegay inuu raaci doono amarrada iyo talooyinka la soo jeediyay ee la xiriira howlaha tacliinta ee wadanka.
Madaxa fulinta ee guddigan Dr. Nancy Macharia ayaa carrabka ku dhufatay inay ku dadaalayaan sidii macallimiin badan loo shaqaleysiin lahaa.
Waxay sheegtay in dugsiyo badan ay wajahayaan caqabad dhanka tirada barayaasha ah.
Nancy Macharia ayaa sido kale xustay inay diiradda saarayaan xaqiijinta badqabka ardayda iyo macallimiinta
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay in dugsiyada dalka dib loo furi doono sannadka 2021-ka.
Subscribe
0 Comments