Turxaan bixinta saraakiil ku biiraya IEBC oo maalinkii afaraad la sameynaya

Waxaa weli socoto turxaan bixinta shakhsiyaad doonaya in ay buuxiyaan afar jago oo sanado ka hor ka bannaanaday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.

Guddiga gaarka ah ee arrinkan loo xilsaaray oo maalinkii afaraad fadhi su’aalo weydiin ah yeelanaya ayaa waxaa maanta ka soo hormuuqan doono Ms. Florence Jaoko,Mr. Francis M. Wanderi iyo Ms. Harriette Chiggai.

Turxaan bixinta oo horay loo qorsheeyay in ay socoto 12 cisho ayaa lagu qabanayaa xarunta shirarka caalamiha ee KICC ee magaalada Nairobi.

Waxaa arrimo kala duwan laga wareysanayaa ilaa 36 qof iyada oo maalin kasta saddex ka mid ah la qaabilaya.

Guddoomiyaha guddiga turxaan bixinta sameynaya Dr. Elizabeth Muli ayaa sheegtay in barnaamijkan uu socon doono ilaa iyo 22-ka bishan Toddobaad.

Waxay sheegtay in ay tixgelinayaan xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19 oo ay ka mid tahay in aan aad la iskugu dhawaan.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.