Uhuru Kenyatta oo dhagax dhigay dhismaha isbitaalo laga hirgelinaya Nairobi

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhagax dhigay saddex xarumood oo caafimaad oo laga dhisaya xaafadaha aan si rasmi ah loo deegaamayn ee Nairobi.

Isbitaalladan ayaa ah heerka saddexaad ee Level 3

Isbitaalladan oo qaadaya ilaa 16 sariir ayaa laga dhisaya xaafadaha Muthua ee deegaanka Uthiru iyo Kianda oo ka tirsan Kibra .

Sido kale isbitaal kale oo ay galayaan ilaa 24 sariir ayaa laga hirgelinayaa Maendeleo oo ka tirsan Mukuru kwa Reuben.

Waxay qayb ka yihiin ilaa 20 xarumood oo la doonayo in laga sameeyo qaybaha kala duwan ee caasimadda dalka .

Barnaamijkan waxaa gacanta ku haya maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta adeegyada bulshada ee Nairobi ee NMS.

Waxaa fulinta mid kasta oo ka mid ah mashaariicdan dhanka caafimaad ku baxaya 70 milyan oo shilin.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu diirrada saaraya horumarinta nolosha dadweynaha .

Waxaa uu shacabka ugu baaqay inaynan ku dagmin siyaasadda kala qaybinta ku saleysan.

Sido kale waxaa qof kasta ku booriyay inuu si buuxda ugu hoggaansamo amarrada iyo talooyinka caafimaad ee la doonayo in looga badbaado caabuqa corona.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.