Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeedin doona kal fadhigga golaha qaramada midoobay

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa fiidnimada caawa la filaya inuu khudbad qaab muuqaal aragga fog ka jeedin doono kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud Qaramada Midoobay (UNGA).

Madaxweyne Uhuru kenyaatta waxaa loo diiwangaliyay inuu noqdo afhayeenka lambarka 32-aad ee kulanka heerka sare kaas oo lagu xusayo sannad-guurada 75aad ee ka soo wareegtay Qaramada Midoobay.

Mr Kenyaatta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in arbacada ka qeybgalka dooda guud loo qoray inuu noqdo afhayeenka lambarka 19-aad.

Kal-fadhiga sanadguurada 75-aad ee qaramada midoobay ayaa ku soo aadaysa iyada oo laga taxadarayo xanuunka safmarka ah ee Corona Virus kaas oo saameyn ku yeeshay aduunka dhan.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.