Uhuru Kenyatta oo magacaabis sameeyay

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa laba ka mid ah sarakiisha hore ee IEBC u magacaabay ku xigeeno eragooyinka dibada.

Consolata Nkatha iyo Margaret Mwachanya ayaa loo magacaabay ergoyinka magalooyinka Rome iyo Islamabad.

Labada sarakiil ayaa waxay guddiga IEBC iska casileen bishii April 2018, ayaga oo sheegay inaysan kalsooni ku qabin guddomiyaha guddiga Wafula Chebukati.

Hasa ahaate ma aysan si rasmi ah u gudbinin warqada isacasilada ilaa bishii December sanadkii 2018-kii.

Xoghayaha BBI Martin Kimani ayaa loo agacaabay xoghayaha joogtada ah ee qaramada midoobay ee Magalada New York.

Xubnaha kale ee la magacaabay waxa ka mid ah Amb John Tipis (Canberra), Immaculate Wambua (Ottawa) iyo Amb Catherine Mwangi (Pretoria).

Sido kale Safiirada kale waa Jean Kamau Addis Ababa, Linday Kiptiness (Bangkok), Amb Tom Amolo (Berlin), Lemarron Kaanto (Brasilia), Amb Daniel Wambura (Bujumbura) iyo Stella Munyi (Harare).

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.