Waaxda DCI oo sheegtay inay kordheen kiisaska khiyaanada ee online-ka

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa shacabka ku boorisay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan maadaama ay sare u kaceen falalka la xiriira khiyaanada dhanka online -ka.

Waaxdan ayaa sheegtay in ciidda Christmas oo soo dhow awgeed ay inta badan Kenyaanka ka dukaameysanayaan baraha online-ka ah oo qaarkood lagu dhaco.

Sidoo kale waxaa dadweynaha lagula taliyay inay dabagal dheeraad ah ku sameyaan shabakadaha ay badeecooyinka kala duwan ka iibsanayaan.

DCI ayaa soo jeedisay in adigoo aan codsan inaadan qof ka oggolaan inuu gurigaada kuugu keeno alaab aad iibsatay .

Waxay waaxdu cid kasta oo dareento halis dhanka amniga ah ku wargelisay inuu la xiriiro nambarka ah 0800 722 203 si loo caawiyo.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.