Wafdiga Qatar oo lagu waddo in ay maanta la kulmaan qaar ka mid ah madaxda Dowlad Gobolleedyada

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waddaa in Wafdiga ka socda dowladda Qatar ee ku sugan magaalada Muqdisho kulan la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

Wafdiga oo saacadihii ugu danbeeyayba kulamo ka wadday magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wafdiga ayaa xalay arkay lana kulmay qaar ka mid ah madaxda midowga Musharixiinta oo ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka.

Horay wafdigan waxaa ay isku arkeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale saacadaha soo socda lagu waddaa in uu Muqdisho oo gaaro madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo la kulmaya wafdiga uu hoggaaminayo Dr. Mutlaq Al-Qahtani ee ka socda dalka Qatar.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.