Wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegtay in kaarka Huduma lagu qaybinayo Nairobi

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in bixinta kaarka loogu talagalay fududeynta adeegyada bulshada ee Huduma laga billaabay ismaamulka Nairobi.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaybihii ugu horreeyay ee kaarkan la gaarsiiyay 17-ka deegaan baarlamaneed ee caasimadda dalka.

Waxaa uu qorshuhu yahay in marka Nairobi laga gudbo dokumeentigan la geeyo ismaamullada kale ee wadanka.

Bayaanka wasaaradda waxaa qayb ka ah in cid kasta oo isku diiwaan gelisay nidaamkan casriga ah ay u soo dhici doonto farriin wargelin ah.

Farriintan ayaa qofka u sheegaysa xilliga iyo halka uu kaarka Huduma ka qaadan karo.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in hannaankan ay isku diiwaangeliyeen 38 milyan oo qof.

Bishii shanaad ee sanadkii 2019-kii ayaa la soo gabagabeeyay howshan oo ay ku baxday 9.6 bilyan oo shilin.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.